Hoggaamiyaha Eritrea oo kala xaajooday dagaalka Ukraine madaxda Ruushka

Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afewerki, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka, Sergei Lavrov, oo safar shaqo ku joogga qaaradda Afrika, ayaa maanta oo Khamiis ah ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo colaadda Ukraine.

Isagoo ka hadlayay dagaalka Ukraine, madaxweynaha dalka Eritrea wuxuu yiri “Nidaamkii kala danbeynta ee caalamiga ahaa waa uu fashilmay”.

Wuxuu dalbaday “dadaal isku dhafan oo loogga hortagayo oo lagula dagaalamo taariikhda gumeysiga, iyo gumeysiga ee adduunka geliyey khatarta”.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in wada-hadallada ay ku saabsan yihiin “xiisadda dagaalka Ukraine” iyo xoojinta xiriirka labada dal.

“Wadahadalada ayaa udub dhexaad u ahaa xiisadda dagaalka Ukraine, iyo kor u qaadista xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada tamarta, macdanta, macluumaadka tignoolajiyada, waxbarashada iyo caafimaadka,” Mr Yemane ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Eritrea ayaa ahayd dalka kaliya ee Afrikaan ah, ee u codeeyay qaraar Qaramada Midoobay bishii March ee sanadkii 2022-kii, lagu cambaareeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Lavrov ayaa ku tagay dalka Eritrea lugtii ugu dambeysay ee socdaal labaad, oo uu Afrika ku tagay muddo lix bilood ah, isagoo sidoo kale ku tagay dalalka Angola, Koonfur Afrika iyo Eswatini.

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker