Axmed Rashiid oo qaadey tallaabo uu ku hor istaagayo dacwadda dilka ah ee loo heysto

Askari booliis ah oo la qorsheeyay in lagu soo oogo dacwad ah inuu dilay labo dhallinyaro ah lix sano ka hor, ayaa gudbiyay kiis uu ku doonayo inuu ku joojiyo maxkamadeyntiisa.

Axmed Rashiid ayaa waxa uu ku andacoonayaa in hey’add aan dawli ahayn, ay sameynayaan cadaadis ah in dacwad lagu soo oogo, iyagoo isticmaalaya hannaanka garsoorka ee maxkamada, si ay u urur sadaan dhaqaale ay ku naaxiyaan hawlahooda.

Sida ay qortay warbaahinta Nation, Maxkamadda sare ayaa amartay inuu ka jawaabo eedeymaha dilka Jamaal Maxamed iyo Daahir Kheeri, kaasoo dhacay 9-kii Febraayo, 2023.

Rashid ayaa ka jawaabi doona eedeymaha dilka Mohamed iyo Keri ee bishii March 31, ee sanadkii 2017-dii, kuwaasoo ka dhacay gudaha xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Waxa uu si toos ah eedeymahan uga jawaabi doonaa saldhiga booliska eek u yaalla xaafadda Capitol Hill, ee magaalada Nairobi.

Codsiga la xareeyay ee degdegga ah, ee uu sameeyey qareen Danstan Omari, ee la xiriira kiiska Rashid, ayaa waxa uu su’aal gelinayaa xaqiiqada muuqaal, taasoo la sheegay inuu ku tooganayo Axmed Rashiid dhibanayaasha.

Ka sokow, Rashid, ayaa waxa uu maxkamadda sare ka codsanayaa inay baabi’iso dhammaan caddaymaha ay IPOA soo ururisay, iyada oo la kaashanaysa kooxaha kale ee xuquuqda madaniga ah, oo ay sheegtay in aanay buuxin heerka sharciga ah.

Garsoore Kanyi Kimondo, oo hortiisa loo qorsheeyay maxkamadda Rashid, inuu yimaado Bishan Janaayo 26, 2023, si uu uga jawaabo eedeymaha dilka ah ee loo heysto, ayaa faray in kiiska la xuso Febraayo 8, 2023, si loo helo faah faahino dheeraad ah.

Axmed Rashid ma soo xaadirin maxkamada. Maxkamada ayaa sheegtay inuu ka qeyb galayay arrimo qoys oo deg deg ah, oo ka dhacay ismaamulka Garissa.

Ka dib markii ay taasi soo shaac baxday, ayaa garsooruhu waxa uu tuhmanaha faray in uu si degdeg ah isu soo dhiibo Sargaalka Qaybta Danbi baarista (DCIO), ee Magaalada Garissa ee Muli, oo ah Kaaliyaha Kormeeraha Booliska.

Xukunkiisa ugu danbeeyey ee Garsoore Kimondo ayaa wuxuu dhignaa amarkiisa sidatan: “Waxaan ku amrayaa Axmed Rashid inuu isu dhiibo Gaarisa Qaybta Danbi barista DCIO, oo ah sarkaalka ugu sarreeya – ee mas’uul ka ah saldhigga ama CCIO, Charles Ndung’u, ama Taliyaha Kormeeraha Guud ee Booliiska, Japheth Koome, maalintii ay ku beegneyd bishii Janaayo 26, 2023.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker