“Arinka Laascaanood waa mid ay ku jirto gacamo badan oo cadaw ku ah qaranimada “

Saleeban Siciid Cali Xoghayaha Abaabulka iyo wacyigelinta heer qaran ee xisbiga Kulmiye ayaa yidhi,

“Arinka Laascaanood waa mid ay ku jirto gacamo badan oo cadaw ku ah qaranimada iyo madaxnanida Somaliland.

Waxaan aad uga xumay dad badan oo aan xogaagal u ahayn Siyaasada dalka , waxa ka jira gobolka Sool inay uga hadlayan qaab ka baxsan anshaxa siyaasadeed, dadkaas ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah;

1. Qolo Madaxwaynaha u haya colaad siyasaded kana dhiganayaa fursad ay uga faa’ideystaan coladooda.

2. Qolo tartan Siyaasadeysan uga faa’ideysanaya oo aan eegayn dalka nabadgelyadiisa iyo Doorashoyin nabad ahi inay dhacaan.

Laascanood waa Somaliland gacanta Xukuumadna ka bixi mayso Dadka walaalaha aan nahay ee reer Somaliland way dagi donaan ee deggan gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdina ma aha Ninkii dalka lagu canaan lahaa, Shaqadiisu way u caday iyo wixii ay xaq ugu leeyihiin shacabkiisu.

Arrinka Laascanood ninkii hadlayaaba si fiican ha uga hadlo dalku wuu socday maanta dibu noqosho ma jirto . Somaliland guul Insha Allah.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker