Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo Amar Culus Faray Ciidamada ATMIS

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray ciidamada ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone, kahor doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee berri.

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota,” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray.

“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka,” ayuu yiri Rooble.

“Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.”

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa imaneysa ayada oo laga cabsi qabo in berri la carqaladeeyo doorashada guddoonka Golaha Shacabka, ayada oo ay jiraan warar sheegaya in Villa Somalia ay waddo qorshe noocaas ah.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta sheegay in xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa uu xirtay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker