Axmed Muumin Seed Wasiirka horumarina beeraha ee Somaliland oo jawaab ka bixiyay eedo qaramada midoobay uso jeedisay oo la xidhiidha inuu joojiyay siidhkii dibada ay ka keeni jirtey hay’ada (FAO)

Hargeysa (own) Axmed Muumin Seed Wasiirka horumarina beeraha ee Somaliland oo jawaab ka bixiyay eedo qaramada midoobay uso jeedisay oo la xidhiidha inuu joojiyay siidhkii dibada ay ka keeni jirtey hay’ada (FAO).

UN-ka ayaa sii daayay horaantii bishaan warbixin ay ku eedeeynayaan Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland inay xayirtay dadaallada ay waddo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) si ay wax uga soo saarto beeraleyda ku nool Somaliland oo ay sheegeen abaarta inay saameyn ku yeelatay wax soo saarka cunnada.

kaga jawaabey arintaasi wasiirka wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed isagoo sheegey Inaanu Jirin Wax siidha oo laga joojiyay inay hay’adaasi keento balse lagu amray uun inay tijaabo caafimaad mariyaan siidhka ay dalka keenayaan si dalku uga fayoobaado caafimaad daro kaga timaada siidhka dibada ka imanaya qoraalkaasi ayaa u dhigna sidan.

“Wasaarada horumarinta Beeraha waxaa uu waajibkeedu yahay in ay kobciso waxsoosaarka dalka , islamarkaana dhiirigeliso Beeraleyda sidii waxasoosaarka loo kordhin lahaa, islamarkaana ka ilaalisa wixii hoos u dhac ku keenaya waxsoosaarka oo ay ka mid yihiin seedhka xun,

Bac-rimiyayaasha (fertiliser) aan ku habooneyn ciida kuwaa soo keenaya nabaad guur iyo waxsoosaarka oo hoos u dhaca iyo sumaha aan kuhabooneyn isticmaalka beeraha.

Haddaba markaan xafiiska nimi waxa ay FAO seed toos uga keeni jirtay wadamada dibada iyadoo habayaraatee aan la marine baadhis (laboratory), Bacrimiyahana waxaa la keeni jiay iyadoo haba yaraateen aan ciida la hubin in ay baahan tahay fertiliser iyo in kale taa soo dhibaato ku ah wax soo saarka.

Sidaa dareed waxaanu amarnay siidhka marka uu wadanka soo galo lagu hayo kastamka kadibna laga soo qaado in tijaabo ahaan loo hubiyo ( Sample ) haddii uu tijaabada ku guuleysto seedh ka in wadanka la soo geliyo haddii uu xumaadana lagu celiyo halkii uu ka yimi.

Waxaan hadalkeyga ku darayaa FAO wax ay joojisay haba yaraatee majiraan lakiin waxaa laysla gartay in la mariyo nidaamka baadhista si loo hubiyo tayadooda.
Waxaan aad u amaanayaa kastamada airporada iyo dekedaha dalka oo aad noolashaqeeya
waajibka wasaardda Horumarinta Beeraha saaran waxay tahay in aan hubino waxyaabaha wadanka soo galaya gaar ahaan qaybta beeraha.

Inaan shacabkayaga ka hubino tayada siidh ka dalka soo galayaana waa shaqada aan u igmanahay qaranka si loo helo siidh tayo leh oo caafimaad qaba isla markaana aan keeneyn dhibaato caafimaad iyo mid nabaad guur oo saameyn ku yeelan kara bulshadayada iyo deegaanada dalka ee beeriska ku haboon .”

Wabilaahi Tawfiiq……….

Axmed Muumin Seed Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland.

 

Somaliland ayaa mudooyinki ugu danbeeyay laga wadaa qorshayaal lagu hubinayo siidhka dibada dalka kasoo gala kadib markii khubaro ku xeel dheer siidhku soo gudbiyeen talooyin la xidhiidha halista ka iman karta siidhka qaarkii oo bulshada caafimaadkooda waxbadan u dhimi kara taasi badalkeedana wasaaradu waxay amaro dul dhigtey shirkadaha iyo hay’adaha dalka keeni jiray siidhka inay maraan goobaha tayada siidhkaasi lagu hibiiyo kahor intaaney soo dajinin taasoo bulshada beerleyda ahi si weyn uso dhaweeyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker