Booliiska Soomaaliya oo sheegay iney gacanta kusoo dhigeen Aabe ku eedeysan dilka Inaantiisa

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa  shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soomaaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay Inaantiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023.
Aabahaan ku eedeysan dilka Inaantiisa yar uu u geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Abuukar Xuseen Culusow, kaasoo la tilmaamay in ciidanka Booliiska degmada Heliwa ay gacanta kusoo dhigeen, kadib mudo ku dhaw laba todobaad oo ay ciidanka raadintiisa ku raad joogeen isaga oo kasoo baxsaday degmada Dharkenleey oo aheyd halkuu horay u dagana uu kusoo dilay gabadhiisa.

Abuukar Xuseen Culusoow ayaa la sheegay inuu gabadhiisa u dilay arimo la xariira maseyr dhanka xaakiisa ah, waxaana sidoo kale la sheegay inuu dhaawac u geystay xaaskiisii.

“Ciidanka Booliska Taliska Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Degmada Heliwaa ayaa maanta gacata ku dhigay eedeysane Abukar Xuseen Culusoow oo Degmada Dharkenley dil ugu geestay gabar yar uu dhalay 14-kii January 2023 Sidoo kalana dhaawacay xaaskiisii. Ciidanka Booliska oo ku raad joogay Eedeysanahaan ayaa maanta ka qabtay Degmada Heliwaa, wuxuuna Haatan ku jiraa gacanta ciidanka Ammniga ee Booliska” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir.

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan degmooyinka magaalada Muqdisho oo ay ku baacsanayaan kooxaha geysta falalka la xariira dilka iyo dhaca dadweynaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker