Amnesty International Oo Dawlada Itoobiya Ugu Baaqday Inay Kala Dirto “Liyuu Boliiska Dawlad-deegaanka Soomaalida

Hay’adda caalamiga ah ee xuquuql insaanka ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u kala dirto ciidamada Liyu booliiska ee deegaanka soomaalida Itoobiya.

Warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa lagu sheegay in ciidamada Liyu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si sharci daro ah u laayeen dadka gobolka dariska la ah ee Oromia . “Xukuumadda Itoobiya waa in sida ugu dhaqsiyaha badan u kala dirtaa ciidamada Liyu booliiska ayna ku badashaa booliis u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay warbixinta Amnesty”.

“Waa in aan loo ogolaan askartan in sida ay doonaan ay dadka ugula dhaqmaan si arxan daro ah ayaa intaa lagu daray”.

Sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International xubnaha Liyuu booliiska ayaa toddobaadkan gubay 48 guri oo ay leeyihiin dadka Oramada kuwaasi oo ku noolaa deegaankaSoomaalida islamarkana lagu qasbay in ay u qaxaan Kiro oo ka tirsan gobolka Oramada.

Amnesty International ayaa sidoo kale ugu baaqday dowladda Itoobiya in ay dhaqangaliso talooyiinkii aftidii 2004 taasi oo loo codeeyay in si cad loo calaamadiyo xuduuda u dhaxaysa Oramada iyo soomaalida si loo xaliyo gundhiga waxyaabaha dhaliyay xiisadda.

Xigasho BBC SOMALI

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker