Al-shabaab oo weerartay xarunta gobolka Benaadir

Qaraxyo iyo rasaas ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Dawladda Hoose ee Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan magaalada Muqdishu.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay weerarku ku bartilmaameedsadeen xarunta gobolka Banaadir ee Muqdishu oo ah xafiiska duqa magaalada.

Qaraxa ugu horreeyey ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta gobolka oo ku wajahan suuqa Mogadishu Mall.

Goobjoogayaal ku sugan Muqdishu ayaa sheegay inay maqleen ilaa saddex qarax.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay wadaan hawlgal. Dawladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin weerarkan.

Khasaare ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerarkan.

 

Wixii kusoo kordha xaaladdan halkan ayaad kala socon doontaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker