Maraykanka oo xidhay suuq ka shaqeeya kala wareejinta lacagaha Internetka

awladda Maraykanka ayaa xabsiga dhigtay aasaasihii barta Bitzalo ee la isku weydaarsado lacagaha internetka ama CryptoCurrency, taas oo saldhigeedu yahay Hong Kong, waxaana haatan lagu soo oogayaa dacwado ay ka mid yihiin inuu u fududeeyey dambiilayaashu inay si fudud malaayiin doollar ugu kala wareejistaan bartiisa, sannadihii la soo dhaafay.

Anatoly Legkodymov oo u dhashay dalka Ruushka, da’diisuna ay tahay 40 jir ayaa lagu xidhay xabsi ku yaalla Miami oo ka tirsan gobolka Florida, habeenimadii Salaada. Dacwadaha kale ee lagu soo oogay ayay ku jiraan, inuu ku lug lahaa ganacsi xawaaladeed oo aan sharciyaysnayn.

Ninkan oo asal ahaan deggan Shenzhen oo ka tirsan dalka Shiinaha ayaa haatan ah maamule sare oo ah barta lacagaha CryptoCurrency lagu kala bedesho ee Bitzlato, wuxuuna leeyahay saamiga ugu badan.

Barta Bitzlato ayaa lagu eedeeyey in la dhex mariyey lacago ka badan $700 milyan oo dollar oo CryptoCurrency ah, oo ay lahaayeen macaamiisha suuqa Haydra, oo ah suuq madow oo ka dhex dhisan internetka oo caan ku ah ka ganacsiga arrimaha sharci-darrada ah, waxaana albaabada isugu dhuftay dawladda Maraykanka.

Barta Bitzlato ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inay heleen lacag ka badan $15 milyan oo madax furasho ah.

Bitzlato ayaa lagu eedeeyay in ay ku beddeshay in ka badan $700 milyan oo cryptocurrency ah isticmaaleyaasha Suuqa Hydra, oo ah goob suuq madow ah oo caan ah oo ay xireen mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Jarmalka sannadkii hore. Bitzlato ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay heshay in ka badan $15 milyan oo ah lacag madax furasho ah.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in xadhigani uu qayb ka ahaa hawlgallo caalami ah oo ay dhinacyo kala duwani iska kaashadeen taas oo horseedday in xabsiga la dhigo.

Masuuliyiinta Faransiiska ayaa la wareegay agabkii ay ku hawlgali jirtay bartani, sida laga soo xigtay masuuliyiinta Maraykanka.

Xoghaye ku xigeenka Maaliyadda ee Maraykanka Wally Adeyemo ayaa sheegay in ku dhowaad 50% lacagaha dhexmaray bartan Bitzlato, intii u dhexeysay 2019 iyo 2021 inay si uun ugu lug lahaayeen maaliyado sharci darro ah oo Ruushka la xidhiidha, ama ilo kale oo halis ah.

Warbixintan waxaa qoray Masood Farivar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker