Soomaaliya oo shaacisay xiliga lagu dhawaaqayo xukunka kiiska badda ee Somalia iyo Kenya

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo xukunka dacwaddii Badda ee u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya .

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa goordhaw shaaciyay in 12-ka bisha soo socota ee October Maxkamada Cadaalada Aduunka ku dhawaaqeyso xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya .

“Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu  yidhi  Mahdi Guuleed .

Kiiska Dacwada muranka badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa mudo dheer soo socday, waxaana markii ugu dambeeyay maxkamada ICJ dhageysiga dacwada kiiska badda gashay iyada oo dowlada Kenya ka maqan tahay fadhiga maxkamada.

Soomaaliya ayaana rajo weyn ka qabta in loo xukumo biyaha muranka galisay dowlada Kenya , lamana oga sida dowlada Kenya u aqbali doonto hadii Maxkamada ICJ ku dhawaqado xukun aanay  ku farxin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker