Al-Nassr oo taageerayaasheeda usoo bandhigtay Ronaldo

Kooxda Al-Nassr ayaa taageereyaasheeda u soo bandhigtay laaciibkeeda cusub Cristiano Ronaldo, ahna kabtanka xulka waddanka Portugal, waxaana garoonka Mrsool Park, kusoo dhaweeyay bad taageereyaal ah oo ku labisnaa midanka jaallaha iyo buluugga ah ee koooxda.

Ronaldo ayaa sheegay inuu ku faraxanyahay imaatiniiisa Sacuudi Carabiya, wuxuuna intaas ku daray inuu diyaar u yahay inuu wajaho caqabada noloshiisa cusub ee kooxda Al-nassr.

Ronaldo, oo ahaa xor, kadib markii uu ka tagay kooxda Manchester United bishii November, ayaa ku biiray Al Nassr toddobaadkii hore, isaga oo u saxiixay heshiis laba sanno iyo bar ah oo ay saxaafadu ku qiyaastay in ka badan 200 milyan oo euros oo u dhiganta ($210.94 milyan).

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan go’aankan weyn ka qaato nolosheyda, Yurub waa inoo kala dhammaatay,” ayuu Ronaldo ku sheegay shir jaraa’id.

“Wax walba waan ku guuleystay, waxaan kasoo ciyaaray kooxaha ugu muhiimsan Yurub, haatan waa tartan cusub oo Asia ah”. ayuu raaciyay.

37-jirkan oo ka jawaabay su’aal la xiriirtay dhaleeceynta loo soo jeediyay ee u wareegista horyaalka Sacuudiga ayaa yiri, “Waxaan ahay ciyaaryahan aysan jirin wax lala barbardhigo, caadi ayayna ila tahay inaan imaado Sacuudiga”.

Ronaldo ayaa sheegay inay jireen fursado badan oo uu ugu biiri karay kooxo ka dhisan Yurub, Brazil, Australia iyo Mareykanka, iyo waddankiisa Portugal, laakiin wuxuu sheegay inuu ku qancay dalabka kooxdan.

Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker