Maxaad ku ogaan kartaa in xanuunka Korono Fayrisku hore kugu dhacay?

Waa su’ sashii ugu adkayd ee calamka kaga yaabisey( saynisyahanda) 5 ti bilood ee u dambeyey.

Shaybaadhka cusub(  Swis, Roche antibody test)  ee maanta ay ansixisey isticmaalidiisa Public Health England(PHE) ee lagu baadhi doono Covid-19 ( lab based), ayaa lagu  tilmaamey inuu noqon doono rajo cusub oo dhanka baadhista ah ( Game changer).      Siddo kale hayada FDA ee dawlada US ayaa iyaduna dhawaan approve-gareysey teskan.

Teskan  oo ah nooca loo yaqaano (antibody test) ee baadhaca difaaca xanuunka waxan la cadeeyey inuu yahay  sax (accurate) 100% senstive.

 

Arrintani waa  faa’iido aduunko dhan u so kordhay baynu odhan karnaa. Maadaamo 5 -ta qof ee qaba xanuunka 4  ka mid ahi  ama 80% dadka xanuunku ku dhaco aaney wax calaamad ah dareemin  ama sida durayga oo kale uu u saf maro.

Baadhistani waxay sheegi kara dadka xanuunka hore ugu dhacay iyo dadka cusub ee qaba xanuunkan labadba.   Tani,  waxay sahli doona in la ogaado  percentage bushada ee xanuunka difaaca u leh,taasi oo fudayn doonta ka so bixid lock down ta.

 

Fiiro gaar ah:   Shaybaadhka DT-PCR wuxu sheega keliya dadka xanuunku imika hayo( antigent test) ma sheego cida difaaca u leh xanuunkan ee hore ugu dhacay, waxaana laga helaa oo keliya cusbitalada waaweyn. Labadaba tesba way is cawin doonan.

Photograph: Valérie Macon/AFP via Getty..Guardian

 

Cabdiraxmaan Jiciir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker