Kulankii ugu horeeyey ay Yeeshaan Guddida Farsamo ee Madaxweynaha Qaranku u Magcaabay soo Diyaarinta Qoomaha iyo Magaha Dowladdu Bixinayso.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Shir Gudoomiyey kulankii ugu horeeyey ay yeeshaan Guddida Farsamo ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u Magcaabay soo diyaarinta iyo ka soo talo bixinta Qoomaha iyo Magaha Lagu Yeesho Dowladda, taasoo Guddidani si wayn u soo diyaarin doonaan, Guddidan ayaa Madaxweynuhu ku Magcaabay Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiistii qabsoomay.
Shirkan saaka ayay Guddidu ku magcaabeen guddi farsamo oo ka hoos shaqayndoonta, qodobadana soo diyaarin doono kuwaasoo kala Wasaaradda Arimaha Gudaha, Maxkamada Sare, Wasaaradda Cadaaladda, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Ciidanka Booliska iyo Maxkamada Ciidamada.
Guddida Wasiirada ah ayaa ka kooban Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed.
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.