In ka badan 4 milyan oo qof oo ka qeybgalay soo dhaweynta ciyaartooyda xulka Argentina

Caasimadda Argentina ee Buenos Aires, ku dhawaad 4 milyan oo qof ayaa dabbaaldeg kusoo dhaweeyay ciyaartooyda kusoo guuleystay Koobka Adduunka ee xulka qaranka Kubadda Cagta Argentina, kuwaas oo uu hoggaaminayay halyeygooda Lionel Messi.

Ciyaartoyda ku guuleystay finalkii Koobka Adduunka ee Axaddii lagu qabtay Qadar ayaa awoodi waayay inay gaaraan taallada Obelisco ee loo qorsheeyay dabbaaldegga, maadaama ay jidka gabi ahaanba xireen dadweyne ku qul-qulayay, kuwaas oo warbaahinta maxalliga ah ay ku qiyaastay inka badan afar milyan, waxaana markii dambe ciyaartooyda lagu qaaday diyaarad helicopters ahaa.

Muuqaalo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay qaar ka mid ah taageerayaasha xulka oo isku dayaya in ay ku boodaan baska ciyaartooyda markii ay buundada hoosteeda marayeen, waxaana lasoo gaabiyay safarkii loo qorsheeyay oo ahaa 8 saacadood sababo amni darteed.

“Waxay aheyd soo dhaweyn weyn, waa wax aan la rumaysan karin, waa waxa ugu wanaagsan ee kugu dhici kara nolosha,” ayuu yiri Matias Gomez, oo ah 25 jir ka mid ahaa dadkii isu soo baxa ka qeyb galay.

Caasimadda Argentina ayaa ku jirtay qaab xafladeed tan iyo guushii lama filaanka ahayd ee ay ka gaareen Faransiiska ciyaartii finalka ee Axaddii ka dhacday Qatar, taasoo ka caawisay inay daboolaan dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira waddanka Koonfurta Ameerika oo la dagaallamaya mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee sicir-bararka adduunka.

Dowladda Argentina ayaa Talaadadii ka dhigtay fasax qaran, si loogu oggolaado taageereyaasha inay u dabbaaldegaan guusha.

 

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker