Wasiirkii hore Arrimaha dibada Soomaaliya Axmad Ciise Cawad Oo Ka Hadlay Xilka Qaadistiisi

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Cawad oo xilka wasiirka Arrimaha Dibadda laga qaaday u magacaabay safiir.

Go’aankii xilka looga qaaday kaddib, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uusan diyaar u ahayn xilka cusub ee loo magacaabay.

Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC la hadlay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo sababta rasmiga ah ee looga qaaday xilka.

Waxaa uu sheegay in awoodda madaxwaynaha ay tahay in uu wasiir magacaabo islamarkana uu marka uu doonouu xilka ka qado.

Halkan hoose ka dhagayso waraysiga ay BBC  somali la yeelatay .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker