Dowladda Libya oo diiday in dib loo furo dacwaddii Lockerbie
Dawladda haatan ka talisa waddanka Libya ayaa ku gacan sayrtay in dib loo furo dacwadda diyaaraddii Maraykanka ee Lockerbie oo la qarxiyay sanadkii 1988-kii.
Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Waaxda Caddaaladda Maraykanka ay sheegtay in hay’adda dembi-baadhista ee FBI ay gacanta ku hayaan sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Liibiya oo loo haysto inuu sameeyey bambkii soo riday dayaaraddaas.