Shirka Waxbarasha Africa oo ka Furmay Dalka Jamhuuriyada Jabouti

Ra’iisul Wasaare kuxXigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khdar oo uu wehlinayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Waxay  ka qeyb-galayaan Shirweynaha Waxbarashada Afrika,kaas oo Maanta ka furmay dalka jabuuti.

 

 

Shirkaas waxaa goobjoogayaal  ka ah Madax badan oo ka Socota Wadamada Afrika,waxaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Somalia  uu Shirka ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay Xaalada Waxbarashado ee Soomaaliya iyo sida Xukuumadda Soomaaliya waqti badan u gelineysay  in horumar laga sameeyo.

 

 

Shirweynaha Waxbarashada Afrika ee ka furmay Jabuuti ayaa inta uu socdo waxaa lagu soo Bandhigi doonaa Heerka Waxbarasho ee dalalka afrika sidii lagu horumarin lahaa,iyada oo madaxda wadamada Afrika ay isla gorfeyn doonaan.

 

 

Sidoo kale Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya oo kala ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) & Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda Shirkaasi goobjooga ka ah, iyaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker