Sacuudiga oo amray in muwaadiniintiisa ay kasoo baxaan Lubnaan iyo Baxreyn oo ka jawaabtay

Baxrayn ayaa raacday Sucuudiga oo u sheegay muwaadiniintiisa inay ka baxaan Lubnaan sababtoo ah iskahorimaad hubaysan oo halkaas ka socda.

Digniintan ayaa timid ka dib markii saddex iyo toban qof lagu dilay dagaal u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda ee ka socda xerada ugu weyn ee Falastiiniyiinta ee Lubnaan oo ku dhow magaalada Sidon.

Dagaalka ayaa waxa uu ku kooban yahay gudaha iyo hareeraha xeradaasi.

Sidoo kale waxay ku kaliftay Kuwait, Jarmalka iyo Ingiriiska inay cusbooneysiiyaan digniinta safarka ee Lubnaan.

Raisul wasaaraha lubnaan ayaa sheegay in xaaladu aysan khatar ah ahayn isla maraakan cabsida la yareeyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker