Ruushka oo mowjado gantaallo ah ku garaacay bartilmaameedyo ku yaalla Ukraine

Qeyba badan oo ka tirsan waddanka Ukraine ayaa ku soo dhacay koronto la’aan kaddib markii ciidammada Ruushka ay mowjado gantaallo ah ku garaaceen bartilmaameedyo ku yaal waddanka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in in ka badan 70 gantaal hawada lagu qabtay kahor inta aanay ku dhicin bartilmaameedkii ay ku socdeen, waxa uu intaasi ku daray in afar qof la dilay.

Arrintaan ayaa imaanaysa xilli lagu wado inuu dhaqan galo xayiraado Midowga Yurub ku soo rogtay shidaalka Ruushka.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu dhaqan galo in 60-dollar lagu jaangooyo barmiilkiiba shidaalka Ruushka.

Tallaabadan ayaa waxaa Jimcihii ku heshiiyay Midowga Yurub, dalalka hodanka ah ee G-7 iyo Australia.

Waddamada ree Galbeedka ayaa doonaya inay inay xaddidaan awoodda Moscow ay ku sii wadi karto duullaanka ay ku hayso waddanka Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker