“Qof Kasta Oo Dadka Reer Somaliland Ka Mid Ahi Wuxuu Ku Nool Yahay Wax Ka Yar Hal Dollar Maalintii, … “

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka dayriyey Xaaladda nololeed ee Shacabka Somaliland ku sugan yahay xilligan.

 

WADDANI ayaa sheegay in Qof kasta oo ka mid ah shacabka Somaliland Gobol kasta oo uu ku nool yahay uu ku nool yahay Wax ka yar Hal Dollar  Maalintii, taasina muujinayso sida nolosha Shacabku xilligan u adag tahay, hase-ahaatee arrintaa ta ka sii daran tahay in aanay jirin Qorshe Cad oo Xukuumaddu ka leedahay sidii loo hagaajin lahaa siyaasadda dhaqaalaha ee Dalka, loogana gudbi lahaa dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee Dalka ka jira.

 

Sidaana waxa sheegay Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbigaasi ku leeyahay Magaalada Hargeysa.

 

Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Siyaasaddeena Dhaqaale halkay taagan tahay Maanta ? Xaaladda guud ee dhaqaalaheenu siduu yahay ?. Qiyaasta la qaato marka dhaqaale laga hadlayo waa waxa la yidhaahdo GDP, waa dhaqaalaheena oo dhan marka la isku daro, dakhliga soo gala Qof kasta oo Dadka reer Somaliland ah, waxa lagu qiyaasaa inuu yahay 348 dollar sannadkii, taasi oo Macnaheedu yahay Qof kasta oo Dadka reer Somaliland ka mid ahi wuxuu ku nool yahay wax ka yar Hal dollar Maalintii.”

 

Xoghayaha guud ee WADDANI wuxuu sheegay inay Miisaaniyadda Dawladda ka muuqato in aanay Dawladdu lahayn Qorshe horumarineed “Miisaaniyaddeena ayay ka muuqataa in Dawladdeenu aanay lahayn qorshe horumarineed, Miisaaniyaddeena ayay ka muuqataa oo ay ku caddahay in aanay jirin Cid u muqan oo u shaqaynaysa Dadka masaakiinta ah, Foqorrada iyo Dadka taagta daran Gobol kasta iyo Xaafad kasta oo ay joogaan, taasina waa Fashilka siyaasadda Dhaqaalaha..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu dhaliilay habkii Baarlamaanku u ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2019-ka, “Miisaaniyaddeenu dariiqa ay marto dariiq xalaal ah ma yahay, ? Marka Miisaaniyadda la samaynayo, marka Miisaaniyadda la ansixinayo, waxa jira Bajadka Dawladdu Wareegga uu maro oo Afar ah had iyo jeer, kaas (ka dib) ayay Xukuumaddu u soo gudbisaa Baarlamaanka, Baarlamaanku kama doodin, Adduunka lama arag Miisaaniyad inta Baarlamaan loo soo gudbiyo aan dood laga furin oo aanu Baarlamaanku fatashin, eegin, Qiyaasin, baadhin, laakiin (Miisaaniyaddeena) waalla de’day oo waxa la yidhi sideeda (ku ansixiya), Waayo? waxa jira Af la yidhaahdo ‘Duuduub’, Duuduub waa macal qudhunka aynu isku raacino, markaa waxa la yidhi duuduub aynu ku ansixino.”

 

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in Miisaaniyadda 2019-ka aanay ku caddayn dakhliga ka soo xerooda Dekedda Berbera ee Shirkadda DP World maamusho “Heshiiska ugu muhiimsan ee Somaliland ku jirtaa waa heshiiska Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera, Lacagta innaga soo gasha DP World iyo Dekeddeena meel alaale iyo meel ay Miisaaniyadda kaga jirto ma jirto..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in khaladaadka ku jira Miisaaniyadda 2019-ka ay ka mid tahay in kharashaadka ay ku jirto Lacag loogu talo-galay in lagu dhiso Garoonka Kubadda Gacanta ee Tima-cadde ee Magaalada Hargeysa, taasi oo ku jirtay 3-dii Miisaaniyadood ee ka horreeyay “Miisaaniyadaha 2016, 2017, 2018 iyo Miisaaniyadda 2019-ka waxa ku jira waxyaabo badan oo aan la qabanin, waxa ku jira (kharashka) dhismaha Garoonka Tima-cadde, laakiin Garoonkii Marnaba lama dhisin, lacagtaasi halkay tagtaa..” ?

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker