“Tariikhdu ma dugowdee bal aynu dib jedaalino. Sidan aynu hadda nahay mar siyaasaddu caajis doorasho “

Tariikhdu ma dugowdee bal aynu dib jedaalino. Sidan aynu hadda nahay mar siyaasaddu caajis doorasho la’aana gashay siday ahayd xaaladi Xisbiyada Kulmiye iyo Udub oo siwayn isu hayay?. Dhalinyaraddu xogbadan kama hayso weedhihii iyo dagaalkii aan waxba lala hadhayn ee Kulmiye ku hayay Madaxweynihii xiligaas, kuwaas oo mararka qaar gaadhsiisna “Ka deg kursiga Rayaalow”. Guddoomiyihii Kulmiye Axmed Siilaanyo maruu Burco ku sugnaa hadal uu jeediyay aan idinla wadaago:
“Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa mar labaad madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ugu baaqay inuu kursiga ka dego, marka ay horaanta bisha dambe ka dhammaato wakhtigiisii xil hayneed.
Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo Jimcihii doraad saxaafadda kula hadlay magaalada Berbera, isaga oo ka soo guryo noqday magaalada Burco, waxa uu Goleyaasha baarlamaanka Somaliland u soo jeediyay inay ka tashadaan xaaladda dalku gelayo, “Waxaanu cadeynaynaa mawqifkayaga ku aadan xaalada dalku ku jiro waxaananu kasoo horjeedna dib u dhaca batay ee ku yimid doorashada iyo geedi socodka dimuquraadiyada waxaanu leenahay ma ogolin kordhin dambe, Xisbigu mawqifkiisa wuu cadeeyey Xukuumada hada jirtaaa, uma diyaar aha inay doorashooyin gaadhsiiso dalka xataa wax badan baa qabyo ah maaliyad lama hayo sarverki muu shaqeyn, waxaanu leenahay Golayaasha Qaranka guurtida iyo wakiilada in laga tashado.” Ayuu yidhi Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu leenahay Madaxweynaha Saaxiib waqtigaagii wuu dhamaadaye iska eeg dalkuna waxa uu u baahanyahay Xukuumada gaadhsiisa Doorashooyin taas baanu ka hadlaynaa marka uu waqtigoodu dhamaado ha baneeyaan oo dhawr jeer oo hore ayaa loo kordhiyey, kordhin dambena ma jirto, go’aankan ayey Shacabku nagu taageersanyihiin oo nala qabaan.”


Tusan.
W/Q Muniir Axmed Cigaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker