Dal dadkiisa kula taliyay in Eeyaha kabo loo galiyo

Booliska magaalada Zurich ee Switzerland aya ka codsaday dadka eeyaha leh in ay kabo uga galiyaan kulaylka xad dhaafka ah ee dalkaas ka jira.

Hay’adda warbaahinta dawladda ee SRF waxay sheegtay in booliska magaalada uu qaday olole loogu magac daray “Hot Dog”, iyadoo dadka eeyaha leh lagu barayo sida ay saaxiibadooda afarta lugood leh uga badbaadin lahaayeen dhulka sibirka ah ee aadka u kulul, kaasoo cagaha ka xanuujin kara.

Cimilada aadka u kulul ee Yurub ayaa micnaheedu wuxuu yahay in Switzerland ay ku jirto mid ka mid ah xagaagii ugu kululaa ee soo mara tan iyo sannadkii 1864, ayadoo heerkulku uu gaaray 30C darajo. Waxaa kaloo la sheegay in qaybo dalka ka tirsan ay abaar ka dhacday.

Sida laga soo xigtay Michael Walker oo ah afhayeenka booliska magaalada Zurich, 30C darajo marka heerkulku uu yahay, kulaylka sibirka dhulka wuxuu gaari karaa 50-55C, kaasoo xanuujin kara xayawaanka.

“Marka uu eey ku dul socdo laami kulul, lugaha ayuu ka guban karaa – waa sida qof bani’aadan ah oo soconaya isagoo cagacad” ayuu ku yiri SRF.

Booliska Zurich waxay kula talinayaan dadka xayawaanka leh inay hubiyaan in dhulku kulul yahay, ka hor inta aysan dibadda u kaxayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker