Madaxweyne Ramaphosa oo ay kusoo baxday fadeexad culus

Mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa Jimcaha maanta ah gabi ka laad-laada, kaddib marki ay kusoo baxday fadeexad la xiriirta inuu beertiisa ku qariyay lacago lasoo xaday.

Shacabka Koofur Africa ayaa is weydiinaya su’aasha ah, ma is casili doonaa mise xakunka ayuu kusii dhaganaan doonaa?

Khamiistii, waxaa aad loo hadal hayay inuu aad ugu dhaw yahay in madaxweyne Raamafoosa uu xilka ka dago, kaddib marki ay isa soo tareen qeylo dhaan iyo baaqyo lagu dalbaday inuu xafiiska wareejiyo—hase yeeshee aroornimadi hore ee Jimcaha maanta ayay arrintu u muuqatay in ay waji kale yeelatay, kaddib marki ay xulafadiisa ku boorriyeen inuu dagaal siyaasadeed u galo sidii uu xilka ku xajisan lahaa.

Xisbiga talada South Africa haya ee African National Congress (ANC), kaasi oo dalkaasi soo xakumayay tan iyo dhamaadkii isticmaarka ee sannadkii 1994, ayaa maanta u fadhiya kulan deg deg ah oo aan caadi aheyn si ay go’aan uga soo saaraan xasaraddaan siyaasadeed ee kala qeybisay xubnaha xisbiga, taasi oo salka ku heysa fadaaxadda musuq-maasuq ee lagu soo eedeeyay madaxweyne Sayrik Ramaphosa.

Ramaphosa ayuu xaalka ku xumaa tan iyo bishii June, kaddib marki uu madaxii hore ee sirdoonka Koonfur Afrika ka gudbiyay dacwad ah, in madaxweynaha uu beertiisa Phala Phala ee lagu xannaaneeyo xoolaha uu ku qariyay lacago kaash ah oo lasoo xaday.

Eedaha loo soo jeediyay madaxweynaha South Africa ayaa waxaa ka mid ah, in tuugadadi soo xadday lacagta uu ku qariyay beertiisa uu afduubtay, marki danbana isla tuugadaasi siiyay lacago laaluush ah si ay u aamusaan oo aysan waxba u sheegin. Ramaphosa ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay.

Guddi gaar ah oo madax bannaan oo loo xil-saaray baaritaanka kiiskaan ayaa Arbacadii soo gudbiyay warbixin ay kasoo qoreen waxyaabihi ay ku ogaadeen baaritaankoooda.

Warbixinta ayaa sheegtay in madaxweynaha uusan booliska u sheegin inuu hayo lacago lasoo xaday, sidaasi daraadeedna uu si bareer ah u go’aansaday in lacagaha uu qariyo.

Ramaphosa ayaa ballan kula galay shacabka South Africa marki loo dooranayay xilka madaxweynaha sannadki 2018-kii, inuu soo afjari doono musuq-maasuqa Koonfur Afrika.

Haddii uu ka badbaado xil ka qaadis ay maanta ku sameeyaan xubnaha xisbigiisa ee ANC, waxa uu wali wajahayaa codka kalsoonida ee baarlamaanka, kuwaas oo xilka ka qaadi kara ama kusii heyn kara.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker