Nin Dhibaato Uu Dadka Uga Digi Jiray isagii Loo Heysto

Bara jaamacadeed oo buug ka qoray ka ganacsiga daroogada la isu gudbiyo iyo dembiyada qorsheysan ayaa lasoo taagay maxkamad ku taala dalka Mareykanka.

Ninkan ayaa loo heystaa in si sharci darro ah uu dalka Mareykanka kusoo geliyay lacag ay xeer ilaalinta Mareykanka sheegtay in uu ka keenay dalka Venazuela.

 

Xafiiska dacwad oogaha Mareykanka ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Bruce Bagley lacag badan looga soo xawilay bangiyo ku yaalo dalalka Switzerland iyo Imaaraatka, qeyb ka mid ah lacagtaasi oo gaareysa 250 kun oo doolar na uu isaga si gaar ah u leeyahay.

Afar sano kahor, waxaa uu wax ka qoray buug loogu magacdaray ka ganacsiga daroogada, dembiyada qorsheysan iyo qalalaasaha ka dhashay dembiyadaas ee ka taagan dalka Mareykanka.

 

Markii uu qorayay buugga, waxaa uu Bruce sheegay in lacagaha sharci darrida lagu kala gudbisto ay tahay arrin aad ugu soo badaneysa dalka Mareykanka.

Mar uu la hadlayay telefishenka CBS ayaa barafasoorka oo jaamacadda Miami ka dhiga culuunta xiriirka caalamiga waxaa uu beeniyay eedeemaha loo heysto, waxaan uu yiri : ” Wax dhib ah ma dareemayo, mana aaminsani in aan dembi galay, si khaldan ayaana loo fahmay”.

“Hannaan ay adag tahay in la fahmo”

Mas’uuliyiinta Magaalada New York ayaa ku doodaya in Bagley uu akoona ay ku diiwaangashan yihiin shirkado uu leeyahay ka furtay bangiga Florida, xaaskiisana uu madax uga dhigay shirkadda.

Bishii Nofemabar ee sanadkii 2017-ka, akoonadaas ayay shegeen in lacago lagaga soo shubay dalka Imaaraatka, waxaana lacagtaas ay shegeen in uu kusoo xawilay nin u dhashay dalka Colombia.

Shakhsiga lacagta kusoo shubay akoonka Bagley ayaanan la sheegin magaciisa iyo sababta uu usoo diray lacagta, hasayeeshee xafiiska dacwad oogaha ayaa ku doodaya in lacagtaasi ay tahay mid laaluush ah.

Kiiskan ayaa qeyb ka ah dedaalo ay wadaan laamaha ammaanka ee dalka Mareykanka oo ay doonayaan in ay uga hortagaan lacagaha sharci darrida ee la isugu gudbiyo bangiyada, waxaana ay intaa raciyeen in lacagahaas ay ku tuhmayaan in laga keeno dalka saliida qaniga ku ah ee Veanzuela.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption.

Dalka Venazuela oo ay ka taagan tahay qalalaaso siyaasadeed, muddooyinkii dambena laga deyrinayay dhaqaalihiisa ayay shegeen in uu qeyb ka yahay dalalka laga keeno lacagaha sharci darrida.

Bagley ayaa hataan loo heysto dembi ah in uu kala gudbinayay lacago sharci darro ah, waxaana haddii lagu heli dembiga loo heysto, laga yaabaa in lagu xukuma xabsi dhan 20 sano. Waxaa hataan lagu soo daayay damiin lacageed oo dhan 300 oo kun oo doolar.

Jamaacadii uu wax ka dhigayay Bagley ayaa sheegtay in uu ku maqan yahay fasaxiisa gaarka ah, dacwadda loo heystana ay tahay mid isaga u gaar ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker