Booliska Soomaaliya oo farriin ku saabsan hoteelkii la weeraray u diray shacabka
Farriin lagu baahiyay barta facebook ee Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliiska Somaliya ay shacabka ku Nool magaaladda Muqdisho ku wargelinaynayaan in boolisku ay goor dhow qarxin doonaan haraadiga walxo qarxayo ah oo yaala Hotel Villa Rays oo weerar lagu qaaday habeen hore shalay gelinkii dambe la soo afjaray
Qoraalkan ayaa intaasi ku daraya in shacabka laga codsanaynaa in aysan hawlgalkaas qarxinta ah ee Ciidanka fulin doonaan u arkin mid khatar ku ah nabad gelyadooda.