Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Kawada Hadlay Iskaashi Ciidamada Iyo Amniga Ee Labada Dawladood

Wafdi ka socday Talyaaniga oo ay hoggaaminaysay Wasiirka difaaca, Elisabetta Trenta uuna qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga, Gen. Enzo vecciarelli, iyo xubno kale ayaa maanta soo gaaray Muqdisho,iyagoo kulan la qaatay Wasiirka difaaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe), wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xubno kale oo katirsan Dowladda.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dawladood, iskaashi laga sameeyo dhinaca Ciidamada iyo wada shaqeynta labada Wasaaradood ee difaaca.

“Waxaan ka wada hadalnay xiriirka gaar ahaaneyd ee naga dhaxeeya Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Talyaaniga iyo Wasaaradeena, wuxuu ahaa kulan aad u qiimo badan oo aan runtii uga wada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn Arrimaha Ciidanka iyo sidii wada shaqeyn dhow aan u yeelan laheyn, waxey aheyd booqasho aad iyo aad u qiimo badan”, ayuu yiri Wasiirka difaaca XFS.

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa leh xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, iyada oo ay dawladda Talyaanigu ay qayb ka tahay dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo hormarinta ciidamada qaranka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker