Anwar Ibrahim – Maxbuuskii hore ee shalay xilka ra’iisul wasaaraha loo dhaariyey
Hoggaamiyaha mucaaradka Malaysia Anwar Ibrahim ayaa boqorka hortiisa loogu dhaariyey ra’iisul wasaare, taasi oo soo geba-gebeysay shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed ah.
Xafladda dhaarinta oo ka dhacday caasimadda Kuala Lumpur ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysia, kadib markii xisbi-na uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957.
Qabsashada Anwar ee xilka ra’iisul wasaaraha ayaa buuxisay nolol siyaasadeed oo kaliya aan gayn halka ugu sarreysa awoodda dalka, balse sidoo kale dhigtay xabsi.
Taageerayaasha Anwar ayaa ku dabaal-degayey caasimadda Kuala Lumpur.
Isaga oo ku ololeeyey farriin ka dhan ah musuq-maasuqa, isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pakatan Harapan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii dhacday dhammaadka toddobaadkan, wuxuuna helay 82 kursi.
Hase yeeshee, wuxuu aad uga hoos maraya tirada loo baahnaa ee aqlabiyadda