taliska Ciidamada Africom oo sheegay in Duqayn ay ka fuliyeen Diyaaradaha Maraykanku Deegaano ka Tirsan Maamulka Koonfur galbeed Somalia Lagu dilay Saraakiil Tirsan Alshabaab

Baydhabo (OWN) – War ka soo baxay taliska Ciidamada AFRICOM ayaa lagu sheegay in saaka diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dueynta oo aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday deegaanka Kuunyobarow oo ka tirsan gobolkaasi, sida lagu shaaciyey warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa.

AFRICOM ay sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay xubin sare ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in wax khasaare nafeed ah uusan ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo khasaaro geysta ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xigasho Caasimada online MUQDISHO

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker