Koonfur Afrika: Nin bukaan ah oo ambalaas lagu dhex dilay

Koonfur Afrika koox dhagaxaan ku hubaysan ayaa weerar ku qaaday oo ku dilay qof bukaan ah oo saarnaa ambalaas, iyagoo uga shakiyay inuu dambi galay, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee gobolka Gauteng.

Kooxdan ayaa sidoo kale weerar ku qaaday shaqaalaha caafimaadka ee ku sugnaa agagaarka Atteridgeville waxayna waxyeelo gaarsiiyeen ambalaasta.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa ka jawaabay baaqyo gargaar caafimaad ah kadib markii uu ninka ku dhaawacmay weerar ay koox ku soo qaadeen.

“Markii ay ambalaasta isku diyaarinaysay inay goobta ka baxdo, dadkii halkaas ku sugnaa ayaa bilaabay inay dhagaxaan ku tuuraan oo ay jidka xiraan si ay uga hortagaan in ambalaasku baxdo nasiib darro bukaanka waxaa dhaawac halis ah loo geystay isagoo saaran ambalaas”. Ayuu yiri qof u hadlay Waaxda Caafimadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker