“Aabahay carruur fara badan ayuu dhalay, inta la dilay waa lix aabbe dhalay iyo shan ay sii dhaleen,” Qalbi-dhagax Walaashii Cusbur

Tan iyo intii uu xilka qabtay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed waxaa dalkaasi ka dhacay isbeddello badan. Dad badan oo tirsanayay tacaddiyo loo geystay ayaana muddooyinkii dambe bilaabay inay ka hadlaan dhibaatooyinkii ay la kulmeen.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Cusbur Sheekh Muuse Macallin Cismaan oo la dhalatay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax, oo ah sarkaal ka tirsanaa jabhadda ONLF oo ay hore Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu gacan-gelisay Itoobiya, in muddo ahna halkaasi ku xirnaa kahor inta aan la sii deyn. Cusbur waxay sheegtay in qoyska reer Sheekh Muuse ay dhibaatooyin badan la kulmeen10-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Waxaan ahayn dhowr bahood, bah aysan dhibaato soo gaarin ma jirto. Aabahay carruur fara badan ayuu dhalay, inta la dilay waa lix aabbe dhalay iyo shan ay sii dhaleen,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in dadkaasi la dilay waqtiyo isku dhowaa, waxaana ay intaa ku dartay in dadkaasi loo dilay qaab fool xun, “Mid ka mid ah waxaa lagu dhex riday barkad, halkan kuwa kalena inta god lagu riday lagu furay xabbado, iyagoo dhaawac ahna la aasay” ayay tiri Cusur oo ay indhaheeda illin ka socotay.

Waxay BBC-da u sheegtay in mid ka mid ah eeddooyinkeed ay waalatay kaddib markii saddex ka mid ah carruurteeda la dilay.

.
Image captionCabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax

Maxay tahay sababta loo beegsaday qoyska Sheekh Muuse?

Qoyskaasi waxaa ka dhashay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan jabhadda ONLF oo u dagaallameysay inay xornimo helaan. Dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar ayaana ugaarssaneysay qof walba oo jabhadda ka tirsan amaba taageere u ah iyo qoysaskooda.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda xiran, maxkamadeyntiisana ay socotaa isaga oo ay ku weheliyaan mas’uuliyiin sarsare oo maamulkiisa ka mid ahaa.

Dawladda iyo shacabka ayuuna ka codsaday in la cafiyo, inkastoo aan dhag jalaq loo siin.

Cusbur qudheeda waxay xirneyd muddo toban sano oo xiriir ah. Waxay sheegtay in shan sano ay ku xirneyd xabsiga dhexe, iyado qaar ka mid ah walaalaheed oo markii dambe jirdil loo geystay awgeed u geeriyooday.

“Xabsiga Wardheer ayaa la iga soo qaaday anigoo koomo ku jira oo sida meydkii sujaayad ku duuduuban, waxaana la i keenay xabsiga dhexem dhowr maalmood kaddib ayaan soo naaxay, waaxana ogaaday in halka aan joogo ay tahay Jeel Ogaadeen.” Waxay Cusbur intaas ku dartay in hantida qoyska oo geela u badan ay dowladdu ka qaadatay.

Sanadkii hore ayay ahayd markii Cabdikariin Qalbi-dhagax laga soo qabtay magaalada Galkacyo dhinaca ay Galmudug maamusho, waxaana la keenay Muqdisho ka dibna waxaa loo sii qaaday dalka itoobiya iyadoo la sii marsiiyey magaalada Baydhabo oo ciidanka Itoobiya ay xarumo ku leeyihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker