Dowladda Colombia oo wadahadalo nabadeed kula jirta fallaagada mucaaradka ah ee ELN
Dalka Colombia waxaa dib uga furmay wadaxaajood lagu soo afjaro colaad ku dhawaad 60 sano u dhexaysay dowladda iyo fallaagada mucaaradka ah ee ELN.
Waa markii ugu horreysay ee wadahadal noocaan ah uu furmo tan iyo sanadkii 2019.
Madaxweynaha cusub ee Colombia, Gustavo Petro, ayaa markii uu waday ololaha doorashada waxa uu ballanqaaday inuu dib u billaabi doono wadaxaajoodka.