Dhakhtaro Ajanabi Ah Oo Xayawaan Dhaawacnaa Ku Daweeyey hargeysa

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa dhawaan lagu daweeyay Haramcad lugta ka jabay ,isla markaana waxaa daweeyay Dhakhtar ka yimid dalka dibadiisa.

Haramcadka ayaa ku jiray xerada duur joogta iyo keeymaha oo sanadkii 2015-kii Somaliland ka mamnuucday in dalka laga dhoofiyo duurjoogta iyo in si gaar ah dadka ay guryahooda ugu haystaan xayawaanada duur joogta ah.

 

Huda Cali, oo ka tirsan hay’adaha maxaliga ah ee ka howgala Somaliland, ayaa sheegtay in Harimacadka gacanta dawladda uu soo galay bishii siddeedaad ee sanadkii tagay kadib markii lagu qabtay rag doonaayay in ay xeebaha Somaliland ka dhoofiyaan Haramcadka.

 

Waxa ay sidoo kale tilmaamtay Huda in Haramacadku uu dhaawacmay afar cisho ka hor isagoo xeradiisa ku jira, Waxa ayna hoosta ka xariiqday in dhaawaca uu ka soo gaadhay Lugta dambe isla markaana ay laf ka jabtay kadibna dhakhtar Yurub laga soo diray uu qaliin ku sameeyay uuna ku guuleystay sida ay hadalka u dhigtay Huda.

 

Dhanka kale Dhakhtarka ayaa la sheegay in uu u dhashay dalka Czech Repuplic.

Sikastaba amuurta ha ahaate Haramcadka ayaa la sheegay in haatan la geeyay goob ku meel gaar ah oo lagu xanaaneeyo Haramacadka oo ku taalla Magaalada Hargeysa .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker