Kooxda Taliban Ee dalka Afghanistan Oo Ku Gacan Saydhay inay Sii Waddo Xabbad Joojinta

Xabbad joojin saddex maalmood socotay oo aad loogu riyaaqay una dhaxaysay laamaha ammaanka ee Afghanistan iyo Talibanka dalkaas ayaa u muuqata in ay dhammaatay.

Taliban ayaa sheegtay in ay ammartay in malayshiyadoodu ay hubka qaataan Axadda maadaama oo ay dhammaatay damaashaadkii ciidda.

Dawladda ayaase sheegtay in ay iskeed usii wadi doonto xabbadjoojinta toban maalmood oo kale ah, inkastoo laamaha ammaanka ay is difaaci karaan haddii la soo weeraro.

Waxaa soo baxay muuqaalo aan la filaynin oo muujinaya ciidammada dawladda iyo askarta Taliban oo isa salaamaya xabadkana xabadka isu saaraya intii lagu gudo jiray xabbad joojinta.

Laakiin xabbad joojinta ayaa ku guuldarraysatay in collaadda oo dhan hakiso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker