Maraykanka oo xidhay Kornayl Yusuf Cabdi Cali (Tuke) oo loo haysto xadgudubyo U Ka Gaystay Somaliland

Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah oo Soomaaliyeed, sanadihii 1980-meeyadii, ayaa lagu xiray gobolka Virginia.

Kornayl Yuusuf Cabdi Cali, oo loo yaqaan “Tukeh,” ayaa loo haystaa dil ka baxsan sharciga, jirdil naxariis darro ah, iyo xarig aan sabab lahayn, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday waaxda amniga gudaha ee dowladda Maraykanka.

Waaxda amniga gudaha ayaa sheegtay in Kornayl Tuke oo 69 jir ah uu ahaa Gaashaanle Sare oo ka tirsan ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Guutada Shanaad ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somaliland), intii u dhaxeysay qiyaastii May 1987 ilaa Luulyo 1988-kii ee dowladddii Maxamed Siyaad Barre.

Muddadaas, ciidamada Soomaaliya waxaa la sheegay inay geysteen xad-gudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee dadka rayidka ah, sida ay sheegtay dowladda Maraykanka.

“Iyadoo qabashada Yuusuf Cabdi Cali aysan soo celin karin dhibaatooyinkii uu geystay, haddana waxaan rajeynayaa inaan aragno isagoo ka jawaabaya kaalintii muuqatay ee uu ku lahaa dambiyadaas foosha xun, ayuu yiri Derek W. Gordon, oo ah ku-simaha ergeyga gaarka ah ee hay’adda amniga gudaha Maraykanka.

Si kastaba, sarkaalkan ayaa sannadkii 2019 maxkamadi horey ugu xukuntay in uu siiyo magdhow gaaraysa 500,000 oo dollor nin lagu magacaabo Farxan Maxamuud Warfaa oo ahaa qofka sida tooska ah u dacawaynayay Tuke.

Warfaa wuxuu sheegay inuu ahaa 17 jir waqtigii uu gabood falka uu u gaystay Tuke, kadib markii ay soo qabteen ciidamo uu xukumay, wuxuu sheegay in uu kala kulmay ciqaab daran oo isugu jirtay jir dil iyo ciqaab loo adeegsaday liifka qoriga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker