Guriga aasaasihii dowladda Islaamiga Iiraan oo dab la qabad siiyey

Dad ku dibad baxaya dalka Iiraan, ayaa dab qabadsiiyay guriga ninka uu awoowaha u yahay aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee, Aayatullah Ruhollah Khumeyni.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada, ayaa muujinaya qeyb kamid ah dhismaha Khumeyni oo dab la qabadsiiyay.

Wakaaladaha wararka, ayaa xaqiijiyay dhab ahaanshaha muuqaalada, balse maamulka gobolka, ayaa beeniyay inuu jiro weerar la xiriira dab qabadsiin ah.

Ayatullah Khumeyni, ayaa la sheegay inuu ku dhashay guriga la sheegay in dab la qabad siiyey, oo haatan ah madxaf lagu xuso noloshiisa.

Khumeyni ayaa waxa uu ahaa hoggaamiyihii kacdoonka Islaamiga ah ee Iran ka dhacay sanadkii 1979-kii.

Kacdoonka, ayaa waxaa xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii reer galbeedka ay taageersanaayeen, Shah Mohammad Reza Pahlavi, isagoo dhisay Khumeyni dawlad Islaami ah oo jirta Illaa iyo maanta.

Waxa uu ahaa hoggaamiyihii ugu sareeyay ee Iran illaa uu ka geeriyooday sanadkii 1989-kii, taasoo illaa iyo haatan ku asteysan maalin baroor diiq ah sanad walba.

Muuqaallada baraha bulshada ee magaalada Khomein, ayaa muujinaya daraasiin dad ah oo ku faraxsan markii uu dabku kacayo. Shabakad aad loo daawado, ayaa sheegtay in muuqaalka la qaaday fiidnimadii Khamiista.

Si kastaba ha ahaatee, xafiiska warfaafinta ee maamulka magaalada Khomein, ayaa beeniyay in uu jiro weerar lagu qaaday wakaalada wararka ee Tasnim.

Wakaaladdu ayaa waxay sheegtay in dad tiro yar ay isugu soo baxeen bannaanka guriga, kaddibna ay la wadaageen dadka muuqaalka guriga, iyagoo sheegay in uu u furan yahay “Xujayda iyo dadka jecel Imaamka dhintay”.

Wakaaladdu waxay intaas ku dartay “Albaabada guriga marxuumka aasaasihii kacaankii weynaa inay u furan yihiin shacabka.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker