Canada ayaa soo Tarxiilaysa Dhallinyaro Soomaali ah
Canada ayaa soo Tarxiilaysa Dhallinyaro Soomaali ah
Dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in dowladda Canada ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka musaafuriso ayaa VOA-da uga warramay xaaladda ay ku sugan yihiin, kadib markii qaarkood sida la sheegay loo soo diray warqadihii lagu musaafurin lahaa.
Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.
Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay in dhallinyaradan ay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.