“Waxaan Hambalyo Iyo Bogaadin U dirayaaa Madaxdii Dhaqanka ee Soo gabogabaysay arrintii Kornayl Caare” Suldaan Maxamed Suldaan Ahmed Oo ka Tirsan Madax-dhaqameedka JSL

Hargaysa (OWN)- Suldaan Maxamed Suldaan Ahmed Oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland Ayaa bogaadiyay talaabada lagu Soo afjaray Tabashaddii Jabhadda uu hogaamiyo Kornayl Caare oo Hore uga up Ciidamadda Milatariga Somaliland.
Suldaanka Oo qoraal kooban Soo gaadhsiisay Xafiiska wararka ee shabakadda Oodweynenews,waxa uu bogaadiyay Wax-garadka iyo Madax-dhaqameedka Garxajis Oo si weyn uga dhaweeyay Soo afjarista Arrintaas.
Qoraalka Suldaanka ayaa u dhignaa sida tan: “Anigoo ah suldan maxamed suldan axmed suldan cabdiraxman suldaan diiriye waxaan hambalyo iyo bogaadin halkan uga dirayaa dhamaan madaxdii dhaqanka ee soo gabogebaysey arrintii kornayl caare waxaan ilalaahay uga baryayaa cidkasta oo nabadaa ka qayb qaadatey inuu miisaanka xasanaadka ugu daro waxaan leeyahay somaliland baaf u hiiliseen ood ka farxiseen ilaahay ha idinka farxiyo waxaan hambalyo gaara u dirayaa beelweynta garxajis oon leeyahay gobanimada aad u dhalateen waanan idinku ogaa ilaahay waxan ka beryayaa inuu bogeena burcad isu mariyo oo dhamaanten inaga dhigo kuwii xumaha iska waaniya xaqana wada taageera aaamiin” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Ahmed Suldaan Cabdiraxmaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker