50 Arday Somali Ah oo Ku Go’doosan Wuhan oo Codsaday In Laga Soo Saaro Shiinaha

Waxaa sii kordhaysa halista caabuqa ka dillaacay Dalka Shiinaha ee Coronavirus, kaas oo ka billowday Magaalada Wuhan oo ay ku nool yihiin Dad lagu qiyaasay 11 Milyan oo Qof.

Dadka ku nool Magaaladaas waxaa ka mid ah Arday Soomaali ah oo halkaas wax ka barta, kuwaas oo tiradooda ay gaareyso 50 Qof.

Ardayda waxa ay ku go’doosan yihiin qolalkooda jiifka, waxa ay cuntada kasoo iibsadaan Suuqa Toddobaadkiiba Hal mar.

 

Ardayda Soomaalida ah oo aan meel ku wada noolayn ayaa ku wada xidhiidha  Qolal ama group Internetka ah, si ay ku kala qaataan macluumaadka iyo xogaha.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdi , oo ah Arday Soomaali ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in waxa ugu badan ee ay ka cabsi qabaan ay tahay in uu saameeyo Cudurka haddii aysan helin gurmad deg-deg ah.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka daad gureyso Shiinaha, iyada oo kaashaneysa Dowladaha saaxiibka la ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda Soomaalida ku nool Magaalada wuhan ee Dalka Shiina.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker