Xarunta dawladda hoose ee degmada Ibraahim Koodbuur Oo La Dhagax dhigay

Maayir ku xigeenka Caasimadda Hargeysa ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisaayo xarunta dawladda hoose ee degmada Ibraahim Koodbuur.

 

Munaasibadii lagu dhagax dhigaayey xaruntan cusub ee ay yeelan doonto dawladda Hoose ee degmada Ibraahim Koodbuur waxa kasoo qayb galay Maayir ku xigeenka Caasimadda Hargeysa,Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Hargeysa,xubno ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakiilladda Somaliland,xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa,Guddoomiyeyaasha degmooyinka caasimadda Hargeysa, madax dhaqameed, siyaasiyiin iyo marti Sharaf kale oo tiro badan.

 

Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Ibraahim Koodbuur Maxamed SalaanMaxamed (Subeer),waxaanu tilmaamay in wax wada qabsiga iyo iskaashiga dawladda iyo Bulshadu ay tahay sida keliyaata ee horumar lagu gaadhi karo.

 

Xubno kamid ah Salaadiinta Somaliland,Siyaasiyiin,xubno ka socday Guddiyada Nabadgelyada ee degmooyinka caasimadda Hargeysa oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa bulshada degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa ku bogaadiyey sida ay u barbar taagan yihiin dawladda hoose ee degmadaas.

 

Xildhibaan Cabdikariim Maxamed iyo xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku bogaadiyey bulshada ku nool degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa sida ay qaybta weyn uga qaateen dhismaha xaruntan ay yeelanayso dawladda Hoose ee degmada Ibraahim Koodbuur,iyaga oo usoo jeediyey  bulshada ku nool degmooyinka  kale ee caasimadda Hargeysana in ay ku daydaan bulshada  ku nool degmada Ibraahim Koodbuur.

 

Xildhibaan Maxamed Abiib Cismaan (Siikaawi) oo ka mid ah xubnaha Golaha Deegaanka ee caasimadda Hargeysa iyo Xoghayaha Fulinta dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa Siciid Nuur Jaamac oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in kharashka ku baxaaya dhismahan loo dhisaayo dawladda hoose ee degmada Ibraahim Koodbuur ay 60% bixiyeen bulshada degmadaasi, halka ay dawladda hoosena bixinayso 40%-ka kale,waxaanay cadeeyeen in haddii garabka laysu qabsado habkan oo kale la gaadhi karo horumar balaadhan shanta sanno ee soo socota.

 

Maayir ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Khadar Axmed Cumar oo isna halkaas ka hadlay ayaa bogaadiyey bulshada ku nool degmada Ibraahim Koodbuur,waxaanu tilmaamay in ay ka dawlad hoose ahaan diyaar u yihiin in ay bulshada caasimadda Hargeysa adeegeyaal u noqdaan, isla markaana ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa noqoto muraayadii qaranka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker