Madaxweyne Kenyatta Oo Xaqiijiyay Kisas Cusub Oo Corona Virus ah Tilaabooyin Adag-na Dul-dhigay Dadka Kenya

Madaxweynaha Dalka kenya Uhuru Kenyatta ayaa Xaqiijiyay laba kiis oo dheeri ah oo ku saabsan Coronavirus ka dib markii Khudbad uu jeediyay goor dhawayd.

 

Labadda Kiis  ee Cusub ayuu sheegay in ay kasoo baxeen ka dib markii Baadhitaano lagu sameeyay 27 qof oo xidhidh la sameeyay qofkii ugu horeeyay ee laga helay Coronovirus.

 

Madaxweyne Kenyatta ayaa ku dhawaaqay Go’aamo cusub oo ay ka mid yihiin:

Joojinta soo gelitaanka Kenya ee dadka ka socda dhammaan Waddamada uu saameeyey cudurka Covid-19 .muddo 30 maalmood ah. Waxaana Amarkani dhaqan Galayaa   48-ka saacadood ee soo socda.

 

 

Wuxuu sheegay in muwaadiniinta Keenyaanka ah iyo ajaanibta haysta Ogolaashaha kaliya Loo ogolaan doono wadanka .

 

Dawlada kenya ayaa Sidoo kale ku Dhawaaqday in  la xidhay Iskuullada iyo Jaamacadda dalka Kenya.

Dugsiyada Hoose iyo kuwa Sareba , Waxaanay Dawladu sheegtay inay hakinayaan howlahooda laga bilaabo Isniinta iyadoo iskuulada Loo yaqaan ‘boarding Schools’ ay sameynayaan isla maalinta Arbacada.ah

 

Jaamacadaha iyo machadyada ayaa la xidhi doonaa Jimcaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker