Cudursidaha Omicron oo kusii baahaya Mareykanka

Saraakiisha caafimaadka Mareykanka ayaa sheegay in tafiirta cusub ee cudurka COVID-19 ee Omicron uu hadda ka dheereeyay nuuca Delta oo ahaa kan ugu badan ee ay u dhimanayeen ama isbitaallada loo geynayay dadka Mareykanka bilooyinki ugu danbeeyay.

Xarunta Xakameynta iyo Kahoryagga Cudurrada ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo CDC ayaa Isniinti sheegtay, in 70 boqolkiiba kiisaski la diiwaangeliyay todobaadki hore ay noqdeen cudursidaha Omicron ee Covid-19.
Gobolka New York oo kaliyah, 90 boqolkiiba ayay gaareen kiisaska cusub ee dadka uu ku dhacayo Omicron, waxaa kasii badan gobollada Koofurbari, kuwa warshadaha caanka ku ah ee Galbeedkadhexe iyo gobollada kulaala badda Baasifiga.

Saraakiisha caafimaadku waxay ka digeen in kiisasku ay cirka isku shareeri karaan, marka la gaaro fasaxa ciidda masiixaga ee dhamaadka bishaan December ama wixi ka danbeeyo. Dadka ayaa looga digay safarrada iyo goobaha la isugu yimaado.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker