80 MILLION CAQLIGA FAYOW MA GASHO

Xildhibaan Buubaa oo ay muuqato Inay caadifadi jiidatay may ahayn inuu been intaa leeg umadda isla soo hortaago.  Isla maalintiiba waxa arintaa beenisay wasiirkii hore ee maaliyadda Marwo Samsam oo weliba ku dhawaaqday inay diyaar u tahay inay dalka ku soo noqota haddii loo baahdo inay cadayso inaan deyntaa la sheegayo waxba ka jirin.   Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana saxaafaddu arrintaa iska toocsatay, iyagoo weliba ku daray hadal aanu odhan wasiir Sacad oo laga been abuuray.  Waxa kaloo iyana mar walba laga boodaayey in wasiirkii xilka kala wareegay Marwo Samsam arrinta wax laga weydiiyo.

Dhowr arrimood ayaa halkan inooga soo baxay.  Marka  hore waxa caddaatay in waxyaalo badan oo laga sheego saxaafadda oo ah inaanay waxba hubsan ay run yihiin.   Waxa kaloo iyana soo baxday in wasiir Sacad uu mooraalkiisu ka sarreeyo ka xildhibaanka hortiisa beenta ka akhriyay. Wareysigii ugu dambeeyey wasiir Sacad markii la weydiiyey sababta uu warkaa u beenin waayay markuu xildhibaanku sheegayey wuxuu ku jawaabay “maaha inaan dadka hortooda ku yooyootano, xildhibaankuna waxaan jirin buu sheegay”.

Waxa kaloo iyana  soo baxday in xisbiga Waddani uu yahay xisbi bislaaday oon wax walba tuurta u ridan.  Isla maalintii xigtay maalintii Xildhibaan Buubaa warkaas saxaafada u sheeagay,  xisbiga Waddani wuxuu xilkii ka qaaday xildhibaanka, , isagoo xisbigu dareensan in arrintani aakhirka ay dhaawici karto sumcadda xisbiga ugu weyn mucaaradka Somaliland.   Waxa iyana cadaatay inay jiraan koox siyasiyiin ah oo arrinkoodu yahay gole ka fuul, oo wixii la soo qaadaba, iyagoon hubsan run iy been kay tahay markiiba ks dareen celiya.  .  Waad arkayseen inta qof ee la aflagaadeeyey, ee la ceebeeyay ee waxaan jirin dusha laga saaray.

Hadal iyo dhamaan,   hadda waxa looga fadhiyaa golaha baarlamaanku talaabada ay ka qaadaan xildhibaankan beenta qaawan ummada isla soo hortaagay.

 

Abokor Barud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker