Wefti ka Socda Dawladda Itoobiya Oo Booqasho ku Yimid Somaliland
Wefti ka socda dawladda faderaalka Itoobiya iyo dawlad deegaanka Somaalida dalkaas, oo ka qayb-geli doona carwo caafimaad oo magaalada Hargeysa beri ka furmi doonta, ayaa dalka soo gaadhay.
Sida uu sheegay Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah xidhiidhiyaha cudurrada faafa ee xudduudaha iyo fayo-dhawka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.
Weftigan ka socda dalka Itoobiya oo ka soo kicitimay magaalada Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxana magaalo xudeedka Togwajaale ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.
Maaanta oo sabti ah ayaa lagu wadaa inuu caasimadda Hargeysa ka furmo carwo ku saabsan arrimaha caafimaadka, taas oo ay qabanayso Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo ay ka soo qayb-geli doonaan bahda caafimaadka Somaliland iyo kuwa caalami ahiba.





