Dawladda Soomaaliya Oo 1 Milyan Ugu Deegday Deegaannada Fatahaadaha iyo Duufaantu saameeyeen ee SOMALILAND

Muqdisho(OWN)- Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna gudoomiyaha Guddiga qaran ee Gurmadaka Fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) ay ugu deeqday deegaannada fatahaaduhu saameeyeen ee Somaliland.

 

 

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ay wehliyeen wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir kuxigeenka Dastuurka, Dr Hussein Abdi Elmi iyo xubna ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatooyinka jira isaga oo codsaday in Shacbiga Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan u gurmadashada dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaadhay.

 

 

“Hal milyan oo doolar oo gargaar ah ayaa Dawladdu ugu deeqday deegaannada Somaliland  ee fatahaadaha iyo duufaantu saameeyeen”, ayuu yidhi Ra’iisuwasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaaduhu ay meel wanaagsan marsiinayaan dadaallada loogu gurmanayo dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay fatahaadda Wabiyada iyo Roobabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker