Kumanaan qof oo ka qaxay xero qaxooti oo Falastiiniyiin ay ku noolyihiin

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 2,000 oo qof lagu qasbay inay ka qaxaan rabshadaha u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda ee xerada qaxootiga Falastiiniyiinta ee Lubnaan.

Isku dhacyada u dhexeeya madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ee Fatax iyo kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxaa ku dhintay 11 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xabad joojin ayaa hadda la isku afgartay in kastoo rasaas weli la soo sheegayo.Waxaa la aasaasay xerada Cayn el-Xilweh sanadkii 1948, waana tan ugu weyn Lubnaan.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay ku nool yihiin in ka badan 63,000 oo qaxooti diiwaan gashan, balse qiyaasaha qaar ayaa sheegaya in tirada dadka ay ka badan tahay intaa.

Xerada, oo ku taal meel u dhow magaalada koonfureed ee Siidoon, ayaa ka fog meelaha ciidamada ammaanka ee Lubnaan, ay ku xoogganyihiin

Waxaa loo daayaa kooxaha isku haya xerada si ay u ilaashadaan amnigeeda, laakiin khilaafyada kooxahaas dhex mara ayaa caadi ka noqday halkaa.

Rabshadaha ayaa qarxay sabtidii markii xubin ka tirsan koox islaami ah la dilay, sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin oo ku sugan xerada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker