Puntland oo ka hor timid go’aan ka soo baxay Dowladda Federaalka

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland oo ka hortimid go’aan sharci oo dhawaab kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aanka ahaa ahaa in Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka ay diiday shati aan ka ahayn keeda in ay ku kalluumeystaan maraakiibta shisheeye, cidii heshana ay ka mid yihiin liiska sharci darrada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa la sheegay in go’aankaasi uu ka hor imaanayo Dastuurka iyo heshiisyadii hore loo gaaray, waxaa lagu tilmaamtay in deegaannadeeda uusan  dhaqan gal ka noqon doonin go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Federaalka.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka Puntland ayaa loogu baaqay Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka in ay ilaaliso heshiisyada hore loo gaaray.

Hoos ka akhriso

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker