Gabar Soomaaliyeed oo mar kale ka mid noqotay Baarlamaanka Sweden

Leila Cali Cilmi oo ah Muwadin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden ayaa mar kale ka mid noqotay Baarlamaanka Sweden, ka dib doorasho aad u adag dhawaan ka dhacday dalka wadankaasi.

Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay natiijada waxaa Xildhibaan walbo loo soo bandhigay inuu ku soo laabtay booskiisa Xildhibaanimo ama in uu ka dhacay Booskaasi.

Leila Elmi ayaa barteeda Facebook ku Xaqiijisay inay ku soo baxday Doorashadii barlamaanka isla markana Afar sano oo kale ay booskaasi ay matalidoonto.

Xidhibaan Leila Elmi ayaa Barlamaanka kasoo gashay dhanka Caasimada Götenborg iyadoo mataleysa Xisbiga Miljöpartiet.

Leila Cilmi ayaa markii ugu horeysay ku guuleystay doorashadii baarlamaanka 2018-kii.

Waagaas, waxay taariikhda gashay iyadoo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Swedish ah oo loo doorto baarlamaanka Sweden.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker