Wargeys Caalamiya oo is barbar dhig ku sameeyay Nabad galyada Somaliland iyo Qalalaasaha Ka jira Somalia

Wargeys ka soo baxa Dalka Ingiriiska ayaa Isbarbar-dhig ku Sameeyey Dawladnimadda Somaliland iyo Qalaasaha Hadheeyey Soomaaliya.

Wargeys ka soo baxa London oo la yidhaahdo KCW-Today ayaa Warbixin uu maanta daabacay ku sheegayin wararkii Xiisaha badnaa ee bishan July ay Ku Tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Saameyntooda toona hasa yeeshee waxaa uu Xusay inay ka mid tahay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ka sameysay dedaalka ay ugu jirto aqoonsi raadinta.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay warbixintaas ku saabsanayd Somaliland, waxaanay qornayd sidan:

-“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa 27kii June ee la soo dhaafay barteeda Twitterka ku daabacday wadahadal ay la yeesheen Somaliland oo ay uadeegsadeen ereyga ah”labadadal”,waxaanay Arrintaasi noqotay markii u horreysay ee dal ka mid ah caalamku uu Waddan ahaan u qiro Jamhuuriyadda Somaliland.”

Warsidaha KCW-Todaywuxuu sheegay in ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM uu Bishii May ee sannadkii 1991kii iskugu yeedheen
waxgaradka beelaha dega Sonmliland , kuwaasi oo ku dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland oo markii horeba uu xukumi jiray Ingiriisku.

Sidookale,waxa Wargeysku isbarbar-dhig ku sameeyey dawladnimada iyo ammaanka ka hirgalay JamhuuriyaddaSomaliland iyo nabadgelyo darrada,argagixisada,barakaca iyo burburka ku habsadaySoomaaliya,

waxaanu ka markhaati kacay Wargeysku in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay kanabadbaaday mashaqada ka jirta Soomaaliya.

KCW-Today wuxuu intaas ku daray inJSL uumadaxweyneyahayMuuse Biixi Cabdi, oohore u ahaan jiray duuliyeka tirsanaa ciidammada cirka, waxa kaloo uu wargeysku sheegay in Somaliland leedahay ciidammadeedaBooliska iyo lacag u gaar ah.

Wargeysku wuxuu soo bandhigay inay Somaliland qaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo ay wadahadallo kula yeelatoQarammada Midoobay, Midowga Africa (AU) iyo dalal ay ka mid yihiin UK iyo Maraykanka.

Warsidaha KCW-Today wuxuu ku soo gabogabeeyeywarbixintiisa haddii Kenya ay hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland inaytalaabadaasi noqon doonto midxiiso leh oolagu soo qaadi doono shir madaxeedka Midowga Afrika ee lagu wado inuuqabsoomo horaanta sannadka 2020ka.

By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker