“Haddii Doorashada Madaxtooyada La Qabto, 15-ka Ururba Waxay U Ololayn Doonaan Musharraxa Kulmiye”

Burco (OWN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in lala xisaabtamayo Xildhibaannadii wax ka beddelka ku sameeyay Xeerka doorashooyinka isla-markaana ka dhigay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo Maanta hadal ka jeediyey Xaflad lagu qabtay Magaalada Burco, ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Wakiilladu aanay si wanaagsan u gudan waajibaadkooda shaqo, balse ay Saacado kooban ku sugnaadaan fadhiyada uu yeesho Golahoodu, xitaa marka ay Golaha ku sugan yihiin Masuuliyiinta waaxda fulinta ee Guddiyada Golaha Wakiilladu ugu yeedhaan isla Xisaabtanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker