Mareykanka oo sheegay inuu la socdo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Eritrea ee Itoobiya

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sheegay in dowladda Mareykanku ay ka war hayso ciidamo ka tirsan Eritrea oo u tallaabay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, isaga oo cambaareeyay arrintaas.

“Waxaan la soconnay dhaq-dhaqaaqa ciidamada Eritrea ee ka socda xuduudda… waana cambaareyneynaa,” ayuu Mike Hammer u sheegay warfidiyeenka warbixin kooban kadib safar uu ku tagay Itoobiya si uu gacan uga geysto fududeynta wadahadallada nabadeed ee Midowga Afrika uu hoggaamiyo ee u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga.

“Dhammaan jilayaasha dibadda waa inay ixtiraamaan madaxbannaanida dhuleed ee Itoobiya oo ay ka fogaadaan inay huriyaan colaadda,” ayuu raaciyay Mike Hammer.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel si degdeg ah ugama jawaabin codsiyada la xiriira jawaabta dalkiisa.

Reuters

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker